Sep-05-2023:- wafti kasocda qaramada Midoobay

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Garaad Wiil-waal ayaa waxaa kasoo dagay wafti kasocda qaramada Midoobay.
Waftigan balaadhan oo uu hogaaminayo Dr. Ramiz Alakbarov oo ah Kaaliyaha Xoghayaha Guud, ahna Iskuduwaha Bini-
aadannimada Hay'adda Qaramada Midoobay ee wadanka Itoobiya, halka ay socdaalkan ku wehelinayaan masuuliyiin sare oo ka socda UNICEF, UNHCR, UN WOMEN, OCHA, UNDSS, UNRCO, UNFPA, FAO iyo ZOA.
Waftigan ayaa waxaa ku qaabilay Gagada diyaaradaha ee magaalada Jigjiga Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha DDS, Dr. Xuseen Xaashi Qaasim.
Wasiirada Xafiiska Arimaha Haweenka iyo Caruurta DDS, Marwo Halimo Hassen Maxamud
Waxaana lagu wadaa Masuuliyiintani inay la kulmi doonaan Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar. Deegaanka ayaa waxaa soo gaadhay tiro dhawr jeer ahba, danjirayaal iyo xubno matala hay'ado heer caalami ah, kuwaasi oo inta badan xooga saara muujinta kaalintooda ku aadan dhinacyada samafalka.

    Subscribe to our blog and get the latest updates straight to your inbox.