Sep-05-2023:- Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa kulan la qaatay masuuliyiin uu hoggaaminayo kaaliyaha Xog-hayaha Guud ee Qaramada-midoobay ahna Iskuduwaha arrimaha bani,aadanimada ee Itoobiya Dr. Ramiz Alakbarov

Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa kulan la qaatay masuuliyiin uu hoggaaminayo kaaliyaha Xog-hayaha Guud ee Qaramada-midoobay ahna Iskuduwaha arrimaha bani,aadanimada ee Itoobiya Dr. Ramiz Alakbarov.
Kulankan oo ay qayb ka ahaayeen masuuliyiinta ugu saraysa haayadaha UNICEF, UNHCR, UN WOMEN, OCHA, UNDSS iyo masuuliyiin sare oo kasocday UNRCO, UNFPA, FAO iyo ZOA ayaa lagaga wada hadlay habka ugu haboon ee ay ugu qayb qaadan karaan qorshayaasha xukumadda ee daaran giigsiga sida kor-u'qaaddida wax-soo-saarka beeraha, biyaha, tamarta (energy) iyo dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa hawlaha gargaarka bani’aadamnimada iyadoo mudnaanta la siinayo sidii dib loogu bilaabi lahaa raashinka gargaarka ee horay loo joojiyay.

    Subscribe to our blog and get the latest updates straight to your inbox.