Ka Xisbi ahaan iyo ka xukuumadd ahaanba waxaanu u muujin doonaa taageero dhinac walba leh dhamaan dareenka dadka ku hanti waayay suuqii gubtay ee taywaanka magaalada Jigjiga

Prosperity Party Somali Branch
September 30 at 8:24 AM ·
"Ka Xisbi ahaan iyo ka xukuumadd ahaanba waxaanu u muujin doonaa taageero dhinac walba leh dhamaan dareenka dadka ku hanti waayay suuqii gubtay ee taywaanka magaalada Jigjiga".
336 guri oo si ku meelgaadh ah loo dhisay ayaa lagu wareejiyay dadkii ku hanti waayay taywantii gubtay ee magaalada Jigjiga.
Gudiga tabarucaadka taywaankii Jigjiga ayaa kulan la yeeshay dadkii hantidoodu gubatay sidii shaqada dib ugu noqon lahaayeen.
Kulankan oo ay hogaaminayeen Wasiirka xafiiska Arimaha Haweenka Marwo Xaliimo Xasan iyo Duqa M.M Jigjiga Eng. Siyaad Cabdi Axmed kaas oo daarnaa la dardaaranka ganacsatada sidii ay shaqada dib ugu laaban lahaayeen maadaama maanta lagu wareejiyay 336 guri oo suuqyo ku meelgaadh ah oo ay dawladu dhistay.
Waxaana dadkii hantidoodu ka hoosaysay 100,000birr la siiyay 100%, halka dadkii 100,000 ilaa 500,000birr lahaana 50% la siiyay. dadkii ay ka burburtay hantida 500,000 illaa 1.5 milyan la siiyay 40%.1.5milyan ilaa 3 milyan waxaa loo celiyay 20%, halka wixii intaa ka sareeyana la siiyay 10% si ay shaqadoodii dib ugu bilaabaan sida ay cadeeyeen gudigu.
*Ku Xidhnaw Boggaga Rasmiga ee Xafiiska Xisbigeena Barwaaqo ee Soomaalida ku Lee yahay Baraha Bulshada Raac Link-gan hoose;👇
👉https://linktr.ee/xisbigabarwaaqo

    Subscribe to our blog and get the latest updates straight to your inbox.