Kulan qiimayn ah oo lagu soo bandhigayay waxqabadka dhammaanba hay’adaha bahwadaagta la ah Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Carruurta DDS ayaa ka qabsoomay magaalada Jigjiga

Kulan qiimayn ah oo lagu soo bandhigayay waxqabadka dhammaanba hay’adaha bahwadaagta la ah Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Carruurta DDS ayaa ka qabsoomay magaalada Jigjiga.
Qiimayntani ayaa lagu soo bandhigayay waxqabadka hay’adaha ee dhinaca carruurta iyo haweenka.
Badri Cabdi Axmed, agaasinka waaxda qorshaynta qiimaynta dabagalka iyo xidhiidhka hay’adaha ee Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Caruurta DDS ayaa kawarbixiyay kulankani qiimaynta ah ayaa sheegay in dhamaanba hay’aduhu ay kusoo bandhigayaan kulankani waxqabadka la taaban karo ee ay ka qabteen shaqooyinka lagu garab-istaagayo haweenka iyo caruurta islamarkaasina ay isla sixi doonaan caqabadaha hortaagan sii dardargalinta shaqooyinka hay’aduhu ay hayaan
https://srbowca.gov.et/

    Subscribe to our blog and get the latest updates straight to your inbox.