Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Carruurta DDS ayaa kulan u qabtay qeybaha kaladuwan ee ururrada bulshada & xubno ka socday xafiisyada bahwadaagta ah.

Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Carruurta DDS ayaa kulan u qabtay qeybaha kaladuwan ee ururrada bulshada & xubno ka socday xafiisyada bahwadaagta ah.
Ujeeddada kulankan ayaa ahayd diyaarinta fagaare lagu soo bandhigayo waxqabadka xafiiska si loo xoojiyo nidaamka xogta iyo xidhiidhka dadweynaha iyada oo laga qeybgalinahayo bahwadaagta iyo ururrada bulshada.
kulankan oo ay hogaaminahayeen masuuliyiinta xafiiska ayaa waxaa ugu horrayn ka hadlay Wasiir kuxigeenka Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Carruurta DDS Marwo Ubax Cabdiraxmaan oo sheegtay in kulankan muhiim uyahay dardargalinta shaqooyinka xafiiska iyo daboolidda galdaloolooyinka jira.
Geestakale, agaasinka waaxda horumarinta cududda shaqaalaha ee Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Carruurta DDS mudane Liibaan Cabdi Daahir ayaa sheegay in kulankan sii xoojin doono shaqooyinka xidhiidhka dadweynaha iyo xafiisyada bahwadaagta ah si looga gudbo caqabadaha jira.

    Subscribe to our blog and get the latest updates straight to your inbox.