Waxaa xadhigga laga jaray xarunta adeega halgoob ee laga dhisay magaalada Godey.

Waxaa xadhigga laga jaray xarunta adeega halgoob ee laga dhisay magaalada Godey. Wafdi ay hoggaaminayso Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Haweenka ee JDfI Marwo Alemitu Umut ayna ku weheliyaan safiirka waddanka Ethopia u fadhiya Jarmalka Ambosader Stephan Auer, Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Madaxweynaha DDS. Mudane Maxamed Yuusuf iyo Wasiirad kuxigeenka Xafiiska Arimaha Haweenka iyo Caruurta DDS Marwo Mumiira Husen Hasan iyo masuuliyiinta gobolka Shabeelle iyo kuwa Maamulka Magaalada Godey ayaa xadhigga ka jaray xarunta daawaynta maskaxda oo loogu talogalay in adeeg taageero iyo daawayn ah lagu siiyo dumarka iyo dhallaanka siyaabaha kala duwan tacaddiyada loogu gaysto.

    Subscribe to our blog and get the latest updates straight to your inbox.