Gudiga Maareynta Xafiiska Arimaha Haweenka iyo Caruurta DDS ayaa yeshay kulankoodii Caadiga ahaa

Gudiga Maareynta Xafiiska Arimaha Haweenka iyo Caruurta DDS ayaa yeshay kulankoodii Caadiga ahaa Kulankan oo lagu qiimeynayay waxqabadkii Xafiiska 3. rubac ee lasoodhafay ayaa ka qabsoomay gudaha xafiiska ayaa waxaa hogaamineysay Wasiirka kuxigeenka Xafiiska Arimaha Haweenka iyo Caruurta DDS Marwo.Ubah Abdirahman mahamed waxana ka soo qeyb galay masuuliyiinta sare ee xafiiska iyo agaasinada waaxaha xafiiska uu kakoobanyahay . Ujeedada kulankan ayaa aheyd qiimeynta waxqabadka 3. rubuc ee lasoodhafay dhamaan waxaaha xafiiska uu kakoobanyahay ayaa soojeediyay shaqooyinkii uqabsoomay iyo caqabadahii lalakulmay Kadib markii laqiimeyay waxqabadkii ayaa la islaqaatay in lasaxo dhaliilaha jira islamarkaana lasii xoojiyo guulaha waxqabadka xafiiska. Arimaha Haweenka iyo Caruurta DDS Kulankan inta uu socday waxaa ka soo baxay qorshayaal muhiim ah sida ✔Ilaalinta saacadaha shaqada ✔Xoojinta hanaanka gudi ku shaqeynta ✔dardargalinta adeegbixinta xafiiska ✔Adkeynta isla xisaabtanka,dabagalka, qiimeynta iyo dardargalinta dhamaan qorshayaasha uyaala xafiiska.

    Subscribe to our blog and get the latest updates straight to your inbox.