Waxaa maanta noo qabsoomay shirkii unug aas-aasiga 6aad ee sector-ka Maamulka DDS.

Waxaa maanta noo qabsoomay shirkii unug aas-aasiga 6aad ee sector-ka Maamulka DDS.
Waxaana si qoto dheer loo dul-istaagay, loona gorfeeya qodobadan hoos ku xusan:
1. Sidii loo xoojin la'haa nidaamka Adeeg-bixinta xafiisyada.
2. Ka qayb-qaadashada wax soo saarka dalag iyo daryeel.
3. La dagaalanka tuuganimada ama musuq-maasuqa.
4. Ka shaqaynta xaalada amniga xafiisyada muwaadiniinta adeega usoo doo-nanaysa xafiisyada. ( Information desk).
5. Diyaarinta checklists-tiyada kala duwan iyo in la sameeyo jad-wal shaqeed maalinle, isbuucle, rubucle, iyo sanadle oo ka turjumaaya shaqooyinka uyaala xisbiga iyo xafiisyada.
6. Ka shaqaynta lacagta qaaraanka xisbiga ee xafiisyada.
7. Wac-yigalinta iyo is-ku xidhka bulshada qaybaheeda kala duwan.
8.Barnaamijka ciid-siinta dadka danyarta ee magaalada ku nool oo xafiisyada lacag lagu qoray, lana go'aamiyay gudidii ka shaqayn lahayd.
Shirku waxuu ka dhacay madasha shirarka ee kulliyadda Maaraynta iyo Adeega shacabka DDS.

    Subscribe to our blog and get the latest updates straight to your inbox.