Unug Aas-asiga 6aad ee Sector-ka Maamulka DDS

Unug Aas-asiga 6aad ee Sector-ka Maamulka DDS
Barnaamijka ciid-siinta dadka dan-yarta ee magaalada Jigjiga oo ay soo abaabuleen unug aas-aasiga 6aad ee Sector-ka Maamulka DDS oo dhan 58 qoys ayaa ka qab-soomay madasha shirarka ee Xafiiska Haweenka DDS.
Waxaana qof-walbana la gudoon-siiyay lacag dhan 5,000 birr. Guud ahaan waxaa la gaadh-siiyay lacag 58qoys×5,000=290,000 birr.
Barnaamijkan oo ah kii labaad ee u'qab-soomay unug aas-aasiga 6aad ee Sector-ka Maamulka DDS.

    Subscribe to our blog and get the latest updates straight to your inbox.