Sagaal xubnood oo kamida bulshada waxyeeladu ka soo gaadhay dabkii dhawaan ka kacay suuqa wayn ee Jigjiga oo loo doortay inay qayb ka noqdaan guddiga guud

Sagaal xubnood oo kamida bulshada waxyeeladu ka soo gaadhay dabkii dhawaan ka kacay suuqa wayn ee Jigjiga oo loo doortay inay qayb ka noqdaan guddiga guud oo loo xilsaaray suuqii gubtay. Kulan bulshada lagula wadaagayay dedaalada kala duwan ee xukuumaddu DDS ka waddo si loo garab istaagi lahaa bulshadii khasaaraha hantiyeed ka soo gaadhay musiibadii dabka ee dhawaan qabsaday suuqa Taywanka Jigjiga ayaa lagu qabtay madasha shirarka ee Qaryaan Dhoodaan.
Kulankan ayay shir gudoominayeen wasiirka Xafiiska Madaxwaynaha DDS, Xuseen Xaashi (Ph.D), wasiirka Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Carruurta, marwo Xaliimo Xasan iyo duqa M.M. Jigjiga, Eng. Siyaad Cabdi.
Kulanka intuu socday ayaa bulshada lagula wadaagay guddiyada kala duwan ee xukuumada DDS u dhistay in ay ka qeybqaataan raadinta xog dhamaytiran oo ku qotomta khasaarihii baaxadda lahaa ee ka dhashay dabkii ka kacay suuqa Taywaanka.
Gabo’gabadii, ganacsatadii iyo dadkii ku hanti waayay musiibada dabka ayaa iska soo dhex doortay 9 xubnood oo ka mid noqon doono guddi hore xukuumadu u dhistay oo ka kooban masuuliyiin xukuumada ka mid ah, culimaa'udiin iyo ganacsato.

    Subscribe to our blog and get the latest updates straight to your inbox.