Xafiiska Arimaha Haweenka iyo Caruurta DDS ayaa qabtay qiimeynta Unug-aasiga iyo Unug-hoosaadyada Xisbiga Barwaaqo

Xafiiska Arimaha Haweenka iyo Caruurta DDS ayaa qabtay qiimeynta Unug-aasiga iyo Unug-hoosaadyada Xisbiga Barwaaqo ee Xafiiska, iyadoo laga duulayo jihooyinka iyo istaratiyada xisbiga barwaaqo, lana raacayo tilmaamaha iyo habraacayada lagu qiimaynayo xubnaha xisbiga barwaaqo ee xafiiska laantiisa ayaa waxaa shaqaalaha loo qabtay qiimayn, sidookalana loo bayaamiyay jihooyinka guud ee xisbiga iyo doorka shaqaalahu kuleeyahiin
Qiimeyntan oo soo martay heerar kala duwan, qaadatayna mudo 3, maalmood ayaa soo gaba-gabowday.
Waxaana la filaya in hawlaha bulshada loogu adeegayo ay sii dardar-gali doonto
waxaana la isla qaatay in lasii xoojiyo Qodobadan, 1. Qabashada waajibaad yada shaqo ee loo xil saarey shaqaalaha iyo dar dar galinta shaqooyinka xafiiska si adeeg hufan loo siiyo bulshada deegaanka.
2. Ilaalinta saacadaha shaqada iyo shaqo galka
3. Dar dar galinta guud ahaan shaqooyinka xisbiga
4. Diyaarinta qorshayaasha kala duwan ee shaqooyinka xisbiga unug aas –aasiga , unug hoosaadka ilaa heer shaqsi

    Subscribe to our blog and get the latest updates straight to your inbox.