Golaha Fulinta DDS ayaa kal-fadhigoodii 1aad ee sanad miisaaniyadeedka 2016 T.I oo ay maanta yeesheen ku meelmariyay Miisaaniyadda Dawladda oo dhan 38.4 bilyan oo birr

Golaha Fulinta DDS ayaa kal-fadhigoodii 1aad ee sanad miisaaniyadeedka 2016 T.I oo ay maanta yeesheen ku meelmariyay Miisaaniyadda Dawladda oo dhan 38.4 bilyan oo birr.
Waxay miisaaniyadani ka badan tahay 21% Miisaaniyadii la anasixiyay S.M.2015 T.I.
Miisaaniyadan ayaa loo qoondeeyay xafiisyada heer degaan miisaaniyad dhan Birr 22.7, halka miisaaniyada hiigsiga horumarka waara (SDG) loo qoondeeyay 1.4 bilyan oo birr.
Sidoo kale degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka ayaa loo ansixiyay Birr 14.2 bilyan oo birr. Dakhliga la filayo in uu urursado deegaanku ayaa ah 16 bilyan oo birr, kaas oo udhigma 42% miisaaniyada guud ee deegaanka.
Tani waxay tilmaamaysa in deegaanku ku talaabsaday guulo waawayn oo ah dhinaca kor-u-qaadidda dakhliga gudaha ee kasoo xeroonaya dhaqaalaha deegaanka shantii sano ee u danbaysay. Shan sano ka hor saamiga dakhliga gudaha ee miisaaniyada guud wuxuu ahaa 15% .
Saamiga xafiisyada la xidhiidha dhimista saboolnimadu (pro-poor sectors) ee miisaaniyada horumarinta mashaariicda (Capital budget) ee heer deegaan ayaa ah 71%.

    Subscribe to our blog and get the latest updates straight to your inbox.