Qiimayntii,Warbixinta,Sannad-Miisaaniyedka 2015 T.I.

Qiimayntii,Warbixinta,Sannad-Miisaaniyedka 2015 T.I. ee degmooyinka iyo maamul magaalooyinka xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta ee ka socotay magaalada Jigjiga ayaa la soo gabagabeeyay.
Qiimayntan oo ay hogaaminaysay Madaxa Xafiiska Arimaha Haweenka iyo Caruurta DDS Marwo, Halimo Hassen Maxamud ayaa lagu qiimanaya waxqabadka kala duwan ee laga qabtay dhanka Haweenka iyo Catuurta iyadoo xooga lasaarayay shaqooyinkii qorshaysnaa sanad-miisaaniyedka 2015.
waxii qabsoomay iyo waxaan qabsoomin, waxayna soojediyeen dhaman degmooyinka iyo maamul magaaloyinka xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta waxqabadkoodii, iyadoo xubnahii ugu firfircoona xafiisku useemeeyay dhiiri galin iyo bogaadin,waxqabadkiidii wanaagsana Masuulinta xafiiska ayaana kulana dardaarmay ugu danbayntii in laxoojiyo wadashaynta xafiisyada bahwadaagta ah siloogaa midha dhaliyo shaqooyinka xafiika.

    Subscribe to our blog and get the latest updates straight to your inbox.