Wixii ka danbeeyay isbaddalkii Dalka iyo Deegaanka; xukuumaddu way ku baraarugsanayd tayaynta waxbarashada" Madaxweynaha DDS Mudane Mustafa Muxumed Cumar

Wixii ka danbeeyay isbaddalkii Dalka iyo Deegaanka; xukuumaddu way ku baraarugsanayd tayaynta waxbarashada" Madaxweynaha DDS Mudane Mustafa Muxumed Cumar.
Waxaa Magaalada jigjiga lagu daah-furay madal looga hadlayay baraamijka ol'olaha hagaajinta waxbarashada jiilka oo loogu talo'galay sidii loo soo saari lahaa jiil waxbartay. Madashan waxaa ka soo qayb'galay Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar, Wasiirka Waxbarashada JDFI prof. Berhaanu Nega, masuuliyiin iyo marti sharaf kale.
Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa ayaa madashan ka sheegay in Xukuumadda Deegaanku isbadalkii kaddib ay ku guulaysatay dhisidda dugsiyo tiro badan oo isugu jira dugsiyo sare, kuwa hoose, dhexe iyo dugsiyo hooy ah.
Madaxwaynaha ayaana bulshada ugu baaqay in laga wada qayb'qaato ololaha dhaq-dhaqaaqa waxbarashada Dhankiisa wasiirka waxbarashada JDFI, Professor, Berhanu Nega ayaa sheegay in ololaha dhaq-dhaqaaqa hagaajinta waxbarashadu uu wax wayn katari doono tayeynta waxbarashada deegaanka.

    Subscribe to our blog and get the latest updates straight to your inbox.