July-29-2023: Madal la gaga wada-xaajoonayay gudniinka fircooniga

Madal la gaga wada-xaajoonayay gudniinka fircooniga ah ee lagu sameeyo gabdhaha iyo guurka dagdaga ah ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Jigjiga. Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Carruurta DDS ayaa soo diyaariyay madal ay ka soo qaybgaleen bahwadaagta xafiiska oo lagaga wada-xaajoonayay gudniinka fircooniga ah ee inta badan lagu sameeyo gabdhaha iyo guurka carruurta aan wali gaadhin da'dii qaangaadhka.
Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa intii uu socday lagu lafagurayay dhibaatooyinka caafimaad ee laga dhaxlo gudniinka fircooniga ah ee lagu naafeeyo gabdhaha iyo sidii loo dabargoyn lahaa gudniinka fircooniga ah.

    Subscribe to our blog and get the latest updates straight to your inbox.