Aug-15-2023:shirka unug hoosaadka Xisbiga Barwaaqo ee Xafiiska

Madasha kulamada ee Hoolka Xafiiska Arimaha Haweenka iyo Caruurta DDS waxaa ka qabsoomay shirka unug hoosaadka Xisbiga Barwaaqo ee Xafiiska waxaana kasoo qeybgalay masuuliyinta iyo qeybaha kaladuwan ee shaqalaha xafiiska Kullanka oo halku dhigiisu ahaa "Aan huwanno Astaamaha ina mideeya Aan ka foogaano kuwa ina kala qaybinaya” Kulankan ayaa waxaa shir gudoominaysay Wasiirka Kuxigeenka Xafiiska Arimaha Haweenka iyo Caruurta DDS Marwo, Ubah Abdirahman Mahamed Kulankan ayaa inta uu socday waxaa lagu qaadaa dhigay hawlo muhiim ah ee Arimaha Xisbiga iyo Adeeg bixinta.
Dhanka kale kulanka ayaa waxaa lagula dardaarmay in shaqaalahu sii xoojiyaan nidaamka adeeg bixinta masuuliinta ayaana shaqaalaha ku booriyay in ay si xoojiyaan howlaha shaqo ee ay uhayan bulshada deeganka si loogu fidiyo adeeg hufan.

    Subscribe to our blog and get the latest updates straight to your inbox.