Aug-23-2023:-kulan lagaga doodayay bayaanka qabyada ah ee xeerka qoyska

Magaalada Jigjiga oo lagu qabtay kulan lagaga doodayay bayaanka qabyada ah ee xeerka qoyska.
Wafdi heer federaal ah oo ay hoggaaminaysay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Bulshada JDFI Marwo Alemitu Umed iyo masuuliyiin heer deegaan ah ayaa yeeshay kulan ay ku gorfaynayeen sidii la isku waafajin lahaa bayaan qabyo ah oo ku saabsan xeerka qoyska iyo shareecada diinta Islaamka iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed ee Deegaanka Soomaalida.
Dood dheer kaddib waxaa la isla qaatay in la aasaaso guddiyo iskudhaf oo ka shaqeeya sidii la isku waafajin lahaa bayaanka iyo shareecada Islaamka iyagoo taas u maraya in ay qabtaan kulamo furan oo bulshada qaybaheeda kala duwan laga qaybgalinayo, sidoo kalena ay ka shaqeeyaan sidii loogu soo dari lahaa qodobo ka dhiman si ugu dambayn u noqdo mid la dabaaco oo dhaqangala.

    Subscribe to our blog and get the latest updates straight to your inbox.