Sep-03-2023:-kulan lagu adkaynayo xaaladaha amniga la yeeshay haweenka 20ka xaafadood ee Maamulka Magaalada Jigjiga.

Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Caruurta DDS ayaa kulan lagu adkaynayo xaaladaha amniga la yeeshay haweenka 20ka xaafadood ee Maamulka Magaalada Jigjiga.
Kulankan oo ka qabsoomay madasha kulamada ee Qaryaan Dhoodaan ayna kasoo qaybgaleen haweenka 20ka xaafadood ee magaalada Jigjiga, masuuliyiinta xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta Deegaanka iyo hogaaminta haweenka ee Xisbiga Barwaaqo ayaa lagu gorfaynayay doorka ay haweenku ku leeyahiin nabada iyo sidii haweenka uga shaqayn lahaayeen nabadgelyada, islamarkaana uga hortagi lahaayeen wax kasta oo nabadgelyo daro keeni kara.

    Subscribe to our blog and get the latest updates straight to your inbox.