ABOUT US

Xafiska arrimaha haweenka waxaa heer xafis loo assasay sanadkii 1991T.T.I tasoo lagu an sixiyay bayanka tirsigisu aha11/1991 markaa xafisku wuxuu ku hawuu lana u adeegida , awoodsinta haweenka iyo sinanta jinsiga marka waxa u mudo xafisku sidaa ahaadaba sandandi 2004T.T.Iaya xafiska qabdhismeedkisa la cusboonaysiyay waxana lagu so daray waaxda caruurta iyo dhalinyarada isla markaasna lagu ansixiyay bayanka tirsigisu yahay,-2004T.T.I.magaca xafiskana waxaa loobadalay xafiska arrimaha haweenka, caruurta iyo dhalinyarada , markaa laga bilabo xiligaas xafisku wuxu noqday mid u adeega dhaman haweenka, dhalinyarada iyo caruurta DDS.mudadaas kadina waxaa marlabaad dib loogu noqday qabdhismeedki xafiska sandka 2008T.T.I islamarkaana waaxdi dhalinyarada laga saaray. Marka kadib maga xafiska waxaa lagu soo koobay Xafiska arrimaha haweenka iyo caruurta ee DDS, uguu dambaynti xafiska arrimaha haweenka iyo caruurta waxuu kamid ahaa xafiisti kabineedka ee wajibaadkooda shaqo dib loogu habeeyay bayaanka tirsigiisu aha 185/2011T.T. I,

Sidaas daraadeed Xafiska arrimaha haweenka iyo caruurta ee degaanka somalidu waa mid u taagan, Awood siinta haweenka, sinaanta jinsiga, kahortaga caadoyinka xuunxun, daryeelka iyo barbaarinta caruurta tabaalaysan. qorshayaasha xafiska ee sanadlaha iyo kuwa koboca dhaqaaluhu (GTP) markasta waaxay ku sal salaysanyahiin arrimahaa haweenka iyo caruurta islamarkaasna istaraatejiyada lagu fulinaayo intabadan waa abaabul, wacyigalin, iyo tabaro kalladuwan oo la gaadhsiyo bulshada.


Udubada Istiraatijiyadeed (Strategic Pillars)

Xafiska arrimaha haweenka iyo caruurta waxaa udubdhaxaad u ah (strategic pillars) labadan arrimood oo kala ah:

    Awoodsiinta haweenka dhinaca dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo siyaasada & sinaanta Jinsiga
    Badbaadinta, daryeelka iyo korinta caruurta
The Himilada , Hadafka iyo Qiyaamka
Himilada
    Inloo abuuro haweenka iyo caruurta jawi haboon oo ay isku abaabulaan islamarkaana loo fududeeyo sidii ay haweenku iskood isugu abaabuli lahaayeen ururo, iskaashatooyin iwm, si ay u gaadhaan horumar una xaliyaan dhibaatooyinka haysta.
    In loo sameeyo abaabulo balaadhan oo lagu wacyigalinayo bulshada islamarkaana la xoojiyo hay’adaha nabadgaliyada iyo cadaalada si loo xaqiijiyo ilaalinta xuquuqaha haweenka, iyo caruurta.
    In la-la shaqeeyo dhamaan ha’yadaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahaynba, islamarkaana laga dhigo dhamaantood kuwo iskuxidhan oo ay wada shaqayni ka dhaxayso siloo xaqiijiyo hirgalinta dhamaan shuruucaha, (polisiyada) iyo Qorshayaasha horumarineed ee loo soo saaray sidii loogu horumarin lahaa haweenka iyo caruurta DDS. In laxaqiijiyo haweenka iyo caruurtu inay heleen taakulooyin gaar ah (affirmative action).
Hadafka

In La arko haweenka iyo caruurta deegaanka soomaalida oo xuquuqdooda lasugay lana kobciyey awoodoodii

Qayaamkae
    Waxaan halkaan u joognaa inaan u adeegno oo aan qancino bulshadeena.
    Waxaan ula dhaqannaa sida aan rabno in naloola dhaqmo.
    Waxaan leenahay saddex mudnaan: Bulsho, Bulsho, iyo Bulsho