Himilada
    Inloo abuuro haweenka iyo caruurta jawi haboon oo ay isku abaabulaan islamarkaana loo fududeeyo sidii ay haweenku iskood isugu abaabuli lahaayeen ururo, iskaashatooyin iwm, si ay u gaadhaan horumar una xaliyaan dhibaatooyinka haysta.
    In loo sameeyo abaabulo balaadhan oo lagu wacyigalinayo bulshada islamarkaana la xoojiyo hay’adaha nabadgaliyada iyo cadaalada si loo xaqiijiyo ilaalinta xuquuqaha haweenka, iyo caruurta.
    In la-la shaqeeyo dhamaan ha’yadaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahaynba, islamarkaana laga dhigo dhamaantood kuwo iskuxidhan oo ay wada shaqayni ka dhaxayso siloo xaqiijiyo hirgalinta dhamaan shuruucaha, (polisiyada) iyo Qorshayaasha horumarineed ee loo soo saaray sidii loogu horumarin lahaa haweenka iyo caruurta DDS. In laxaqiijiyo haweenka iyo caruurtu inay heleen taakulooyin gaar ah (affirmative action).
Hadafka

In La arko haweenka iyo caruurta deegaanka soomaalida oo xuquuqdooda lasugay lana kobciyey awoodoodii

Qayaamkae
    Waxaan halkaan u joognaa inaan u adeegno oo aan qancino bulshadeena.
    Waxaan ula dhaqannaa sida aan rabno in naloola dhaqmo.
    Waxaan leenahay saddex mudnaan: Bulsho, Bulsho, iyo Bulsho